Qeybdiid oo mar kale ka hadlay xiisada Galkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada culus ee shalay Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Hogaamiyihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale, waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaayo Magaalada Gaalkacyo ee dhiiga shacabka ku daadanaayo, waxaana iska fogeeyay eedeymo la xiriira in uu isaga ku lug leeyahay dagaaladaasi.

Waxa uu sheegay Cabdi Qaybdiid inuusan ku sugneyn Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu tilmaamay in kol hore uu ku baaqay dagaalka in la joojiyo oo nabadda lagu xaliyo khilaafka taagan.

“Anigu hadii aan dab shiday cidii iga dambeysay ayaa la rabaa inay damiso aniga inaan nabad ku baaqo iyo inaan col ka soo tago maba la isku daro waxaase waa nin daad qaaday xumbo cuskay nin isaga raba inuu abuuro fowdo iyo dhibaato hadde geed waliba inuu iska qabsado oo cidii aanan shaqaba ku laheyn uu raadsado waxaasi waxba tari maayaan.” Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo Wareysi siiyay Idaacada Mustaqbal.

Madaxweynihii hore ee Galmudug waxa uu sheegay inuusan isku arkin qof ka shaqeynaya colaada Magaalada Gaalkacyo, taasi bedelkeedana dhowr mar uu ku baaqay in xabada la joojiyo oo la wada hadlo.

“Aniga meesha ma joogi labo Madax kama ihi saddex mar hore ayaan ka soo tagay afar aniga waxaan ugu baaqayaa horayna waxaan ugu baaqay nabad inay dadka Khilaafkooda ku dhameystaan.” Ayuu raaciyay warkiisa Qaybdiid

Dagaal culus ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo shalay oo Sabti aheyd, waxaana hada xalka dagaalkaasi ku guda jira xubno ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu u xil saaray xalinta dagaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com