CC & Shariif Xasan oo gaaray Gaalkacyo (Video)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyaga oo ka degtay garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro kasoo jeeda dhinacyada dagaalamay iyo saraakiil ciidan, waxaana magaalada kusoo dhaweeyay wafdigii kaga horeeyay magaalada ee uu hogaaminayay C/raxmaan Odowaa.

Sidoo kale waxaa wafdiga kamid ah madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana la sheegayaa iney doonayaan ka qeyb qaadashada dhameynta xiisadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ee gobolka Mudug iyo xubno kale ayaa wafdiga usoo galbiyay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo maamulka Puntland kaliyo.

Shariif Xasan Sheikh Adan iyo Ra’iisul wasaare Cumar C.rashiid ayaa si wadajir ah u sheegay iney ka xun yihiin dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayna ka shaqeyn doonaan nabadeynta dhinacyda dagaalamay.

 

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@Live.com