Somaliland oo ka hadashay dagaalka Gaalkacyo

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee wali ka taagan magaalada Gaalkacyo una dhaxeyso maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo shalay ka dhacay magaalada Bartamaheeda.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeyso Puntland iyo Gamudug, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii dadka badan ku waxyeeloobeen ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay iney nabad kusoo dabaalaan deegaanada Gaalkacyo iyo bariga geeska africa.

“Annaga markasta waxaan dooneynaa gobolka in looga noolaado nabad iyo xasilooni, waxaan ugu baaqeynaa dadkaa iney nabada ilaaliyaan oo ay ka shaqeeyaan nabada deegaanka”ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?time_continue=106&v=wPeoKFvcLyQ

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com