Maxaa ka cusub xiisada Galmudug iyo Puntland?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug dhanka Puntland waxaa wali ku sugan wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wafdiga ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo kula kulmay xubno ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland, wallow aysan si rasmi ah u bilaaban wadahadalada u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug oo labo jeerku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Ku simaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in wafdiga ay sugayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku laabanaya Puntland, waxaana kadib bilaaban doona dib u hishiisiinta rasmiga, laakiin wafdiga ayaa magaalada hadda ka wada kulamo kala duwan.

Dhanka kale waxaa magaalada ka socdo waan waan ay sameynayan culumada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo ka xumaaday dagaalada magaalada Gaalkacyo.

Galmudug iyo Puntland oo ah labo maamul oo deris ah ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiisad hoose, waxaana Puntland ayba diidaneyd markii hore dhismaha maamulka Galmudug

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com