Sawir cusub: Yaa hurinaya colaadda Gaalkacyo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Magaalada Gaalkacyo ay tahay mid ku jirta xaalad kacsan.

Sawirkaani oo laga sameeyay xaaladaasi ayaa waxaa lagu muujiyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu kaalinta koowaad kaga jiro hurinta colaadaasi, isaga oo u kaashanaaya Dowlada Ethiopia.

C/weli Gaas ayaa dhabarka u xirtay sidii uu uga macaashi lahaa dagaalka Gaalkacyo isaga oo caalamka tusaaya inuusan wax lug ah kulaheyn dagaalka socda.

Dowlada Ethiopia ayaa kaalin lixaad leh ka dheeleysa dagaalka socda, iyada oo fulinta iyo hurinta dagaalka loo adeegsanaayo C/weli Gaas oo u muuqaal eg mid dhaqaale kaabuuraya dhiiga daadanaaya ee shacabka Gaalkacyo.
gaalkacayo