Xog: Guuleed & Cali Gacal Casir oo isku dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Khilaaf hoosaad uu ka dhex-jiro Madaxweynaha Mamaulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay miisaaniyada uu baarlamaanka ku leeyahay Maamulka.

Khilaafkaani ayaa maalmahaani si xoogan looga dareemayaa magaalada Cadaado, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Gulleed uu xooga saarayo sida meesha looga saari lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo mabda ahaan ka tirsan Aalla Sheekh.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay kala wadaan C/kariin Xusein Gulleed iyo Cali Gacal Casir, inkastoo wararkii ugu danbeeyay ee aan halkaasi ka heleyno ay tibaaxayaan in khilaafkaasi ay ku dhex-jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

Xisbiga talada dalka haya ee Damul-jadiid ayaan ku qanacsaneyn in Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu sii ahaado Cali Gacal Casir oo ku ad adag fakirka Aalla Sheikh, waxa ayna cabsi xoogan ka heysataa in khilaafka C/kariin Gulleed iyo Cali Gacal Casir uu sababo mooshino ka dhan ah Gulleed.

Dhanka kale, Damul-jadiid oo arrimahaasi ka duuleysa ayaa dhowr jeer isku dayday inay laado Cali Gacal Casir, hayeeshee taasi ay dhicisowday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com