XOG: Odayaal HADLIYE ku dacweeyey Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Odayaal kasoo kala jeeda beelo kala duwan ay u dacwooden Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Odayaashaani ayaa dacwad ka ahaa sida ay xogtu tibaaxeyso Wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye kadib markii uu musuqay hanaanka ay beelaha u qeybsan jireen xilalka Safaaradaha Somalia ay ku leedahay caalamka intiisa kale.

Yuusuf Cusmaan oo kamid ah Odayaasha beelaha Hawiye ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan ay hordhigeen dacwadooda, waxa uuna tilmaamay in Wasiirka arrimaha dibadda uu xilalka ka qaaday diblumaasiyiin badan isaga oo xilalkaasi u dhiibay shaqsiyaad uu si gaar ah u watay.

”Adeer cidna ka yeeli meyso in xilalka uu ka qaado rag booska ku matalaayo reerkooda una dhiibo dad kale oo aan xilalkaasi xaq u laheyn taasi waa arrin isaga lagula xisaabtami doono”

”Waxaan la soconaa in shaqsiyaad gaar ah uu doonaayo in xilalkaasi u dhiibo, Xassan Sheekhna waan u sheegnay haddii uu wax ka qaban’waayo waa arrin isaga dhibeysa”

Yuusuf Cusmaan waxa uu sheegay in mudada uu Wasiir Hadliye xilkaasi hayo uu burburiyay safaarado badan, islamarkaana uu xil ka qaadis iyo badalba isugu daray diblumaasiyiin badan oo meesha ku jooga qaab awood qeybsi ah.

Dhanka kale, Madaxweye Xassan ayuu ugu baaqay inuu dhowro xuquuqda beelaha kale ay ku leeyihiin DFS haddii la waayana uu isaga la kulmi doono caqabad kaga imaan doonto dhanka beelaha cabanaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com