XOG: Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyn magaalada Garowe ee gobolka Nugaal waxaa la filayaa in magaaladaasi uu tago madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Sida saraakiil ay xaqiijinayaan waxaa la filayaa in magaalada Garowe uu tago magaalada Garowe ee gobolka Nugaal halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweynaha Puntland C/welli Gaas.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in safarka Axmed Madoobe qaban qaabadiisa ka socoto magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la filayaa iney ku wehliyaan xubno maamulkiisa katirsan.

Xubno ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha la qorsheynayo iney ka duulaan magaalada Kismaayo si ay u gaaraan magaalada Garowe, sida wararka ay sheegayaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka la filayo iney ku wehliyaan madaxweyne ku xigeeka koowaad ee Jubbaland iyo wasiirka arimaha gudaha maamulkaasi Mr Darwiish.

Ujeedada socdaalka wafdigaasi ayaa lagu sheegayaa iney tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen dhameynta dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com