DAACISH oo dib isku soo abaabushay iyo dagaal culus oo maanta ka socda…

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in mar kale ay dib isku soo abaabuleen xubnaha Daacish ee dhulka buuraleyda ah kula dagaalamaya ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Kooxda ayaa lasoo wariyay in xalay ay weerar culus kusoo qaaday fariisin ay ciidamada difaaca Puntlad ku leeyihiin aagga buuraha Xabley ee degmada Ufayn, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo labada dhinac, welina ka socda halkaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu soo gaaray illaa saaka, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnaha weerarka soo qaaday ay si gaar ah u beegsadeen saldhig ku yaalla deegaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, halkaasi oo ay isku fara saareen maleeshiyaadka kooxda Daacish iyo ciidanka Puntland.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa goobta looga dilay Puntland, waxaana jira dhaawacyada lix askari kale oo loo soo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalamayaal ka tirsanaa argagixisada ay ku dishay dagaalka ay kula gashay aagga degmada Ufayn ee gobolka Bari, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca Puntland ay kordhiyeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah, iyaga oo la wareegay saldhigyo waa wayn.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile, halkaasi oo ay ku burburiyeen Talisyo cusub oo ay lahaayeen Argagixisada Daacish” ayuu lagu yiri qoraal shalay kasoo baxay taliska PMPF.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka, waxa ay gacanta ku dhigeen agab ay xubnaha Daacish u adeegsan jireen waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinada iyo qalab kale oo muhiim ah, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka PMPF.

Puntland ayaa dhwaan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.

Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.