Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan furimaha hore ee daaalka, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.
Wasiirada oo ka baxaya Muqdisho ayaa fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in xukuumadda ay u guureyso jiida hore ee dagaalka, si ay u qaadato doorkeeda.
Sidoo kale wasiirada ayaa tagi doono gobollada Shabeellooyinka iyo deegaanno ka tirsan Galmudug oo haatan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Ujeedka ayaa ah inay booqdaan fariisimaha ciidamada, iyaga oo ciidamada kala hadli doono halganka socda, si ay ugu boggaadiyaan inay dagaalka sii wadaan.
Xukuumadda Ra’iisul Wassaare Xamza ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay u guureyso furimaha dagaalka, iyada oo looga dhawaaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada.
Xamza ayaa maalintaas sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda haya hoggaaminta dagaalka, wxuuuna dib u xirtay tuutihiisa, isaga oo isku maray seddax degmo oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah magaalo xeebta badweynta Hindiya saaran ayuu Xasan Sheekh degay, waxaana heegan la geliyey dhamaan qeymaha kala duwan ee ciidamada qaranka waxaana la isugu geeyey Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan aagga Cadale.
Degmada Aadan-Yabaal oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya dagaalka Al-Shabaab ee la qorsheynayo in la Dardar geliyo toddobaadkaan bilaabanaya.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaalka hoggaaminaya uu ku haminayo in ciidda ka hor Shabeellaha Dhexe laga saaro kooxda Al-Shabaab oo culeys badan soo saartay gobolkaas.
Si kastaba, Al-Shabaab oo culeys soo saartay Shabeelaha Dhexe ayaa hadda bilowday dib u gurasho, waxayna gaareen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka ammaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.