Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qorshaha la doonayo in looga soo tarxiilo gudaha dalkaasi, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Ilhaan ayaa si weyn uga fal-celisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo kadibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan kasoo jeeda, iyada oo arrintaas ku tilmaamtay inay tahay riyo maalmeed, sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka iyo iyada, taas oo xoogaysaneyso waxayna n Maraykanka ay u siman yihiin ayada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Maraykanka.
Hadalkan ayaa yimid ayadoo xildhibaanno Maraykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.
Wareysi ay bixisay oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ayay ku sheegtay in ayada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.
“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Waxaa kale oo ay sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga Dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.
“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka” ayay mar kale tiri Ilhaan Cumar
Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxaan ognahay inay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan inay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”.
Hadalkan ayaa u muuqda in aysan jirin sharciyad ka xayuubinaysa xilka loo doortay ee Congresska & in aan dalka laga tarxiili karin, muwaadinimadana aan lagala noqon karin.