Daacish oo shaacisay sida ay uga jawaabeyso xiriirka Imaaraadka Carabta & Israel

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa markii u horeysay si kulul uga hadashay xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay la sameysteen yuhuuda Israel, kaasi oo ay kasoo saartay digniin hor leh.

Daacish ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirkaasi, iyadoona ku dhawaaqady aargudasho ka dhan ah oo weeraro looga fulinayo dalka Sacuudiga, oo ay sheegen inuu yahay maskaxda ka dambeysa xiriiradaasi.

Abu Hamza al-Quraishi, oo ah Afhayeenka Daacish ayaa muuqaal kooban oo uu baahiyey ku sheegay in xiriirkasta oo lala galo dalkaasi Yuhuuda ah uu ka dhigan yahay qimaayen lagula kacay Islaamka iyo xulafadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna dagaal-yahanada kooxdiisa iyo dadka kale ee musliimnta ahba ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo la ogyahay inay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka.

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay beegsan doonaan dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga, isagoona soo jeediyay in la isku kaalmeysto sidii dhulka loola simi lahaa dalkaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in Sacuudigu ay taageeray xiriirka Bahrain iyo Imaaraadka ay la yeeshen Israel, iyaga oo dhawaan hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa xulafo dhow la ah Sacuudiga, iyaga oo u gogol xaadhay heshiis dhab ah oo ay la galaan Israel, inkasta oo aysan si rasmi ah xiriir diblomaasiyeed ula yeelan.

Sacuudiga oo isagu la fahamsan yahay inuu hormuud u yahay in xiriir lala sameeyo Israel, ayaa ku doodaya in is-fahamka labadooda dhinac ay dan weyn ugu jirto Falastiiniyiinta, isla markaana loo heli lahaa dal ay leeyihiin, wallow la rumeysan yahay inuu jiro heshiis hoose oo lidi ku ah sheegashadaasi.