Daahir Rayaale oo shaaca ka qaaday mas’uulkii bixiyey amarkii rabshadaha abuuray

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisado muddooyinkii dambe ka taagna deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.

Daahir Rayaale ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in gobolka Awdal laga celiyo Ugaaska Samaroon, kaasi oo dhawaan rabshado ka dhasheen amar loogu diidayo inuu gudaha usoo galo caasimada gobolka ee Boorama.

Wuxuuna amarka lagu hor istaagay Ugaaska ku sheegay mid aan laga fiirsan, isla markaana kasoo baxay madaxweyne Muuse Biixi, oo isagu ku fashilmay inuu heshiis la gaaro odayaasha dhaqanka.

Daahir Rayaale  oo u waramayey Telefishanka SAHAN, ayaa ku tilmaamay tallaabada Ugaaska lagu hor istaagay mid gef ah oo uu mas’uuliyaddeeda uu leeyahay madaxweyne Biixi.

“Waxaan qabaa Ugaas u imanayey dadkiisii in ciidan laga horgeeyo, weliba xabad lagu rido, arrin gef ah ayaan u arkaa, taasna Madaxweynaha ayaan si gaar ah u leeyahay gefkeeda adigaa leh” ayuu yiri madaxweyne Rayaale.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cid kasta oo kula talisay (madaxweynaha) waxaan ku leeyahay tallo khaldan ayey kugula talisay”.

Dhawaan unbey aheyd markii amar kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi lagu hor istaagay Ugaaska Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble oo rabay inuu gudaha u galo gobolka Awdal.

Go’aankaasi ayaa gebi ahaanba ka hor imanayey inuu magaalada Boorama usoo gudbo ugaaskaasi, xili uu kasoo tallaabayay xadka dhulka ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Ciidamo badan oo fulinaya amarkaasi ayaa xiligaas rasaas ku kala dareeriyey dad badan oo rabay inay soo dhaweeyan ugaaska, xili ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay qabsoomida doorashooyinka.

Waxaana gudaha gobolka, gaar ahaan Boorama ka istaadhmay rabshado hor leh oo ka dhan ah go’aankaasi, iyada oo gebi ahaanba ay xiligaas muddo wada xirnaayeen wadooyin muhiim ah.

Gobolka Awdal ayaa hore u qaadacay in doorasho aan dib u eegis lagu sameyn saami-qeybsigeeda ay galaan, midaasi oo la rumeysan yahay inay arrintaasi ku lug leedahay imaanshihiisa.

Xukuumada Muuse Biixi oo xasaasiyad gaar ah ka qabta in dhaq-dhaqaaq cusub uu ka istaadhmo gudaha gobolkaas, ayaa horseed u ah inay gebi ahaanba Somaliland ka mamnuucdo Ugaas Cabdirashiid, sida ay ogaatay Caasimada Online.