Daaw: Musharax Abdiweli Garyare oo 4 qodob ballanqaaday

Abdiweli Ibrahim Garyare oo u taagan ka mid noqoshada xildhibaanada dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa noqday mudanihii ugu horeeyey ee tartankiisa baarlamaan sal uga dhigay 4 qodob oo uu sheegay inuu wax ka qaban doono.

Abdiweli Garyare oo farriin muuqaal ah oo joogta uga bixi doonta Universal TV caawa sii daayey ayaa waxaa uu sheegay inuu xoogga saari doono qodobada kala ah :

1. Ammaanka .

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ammaan iyo xasillooni ay helaan shacabka Soomaaliyeed ee i doorta, waxaana laammaha ammaanka kula xisaabtami doonaa waxa ay arrimahaasi ka qabtaan, maxaa yeelay xildhibaana mas’uuliyad ayaa ka saaran shacabka doortay ammaankooda”

2. Waxbarashada.

“Markii ay burburtay dowladii dhexe waxaa meesha ka baxay waxbarashadii heer hoose ilaa heer jaamacadeed ee lacag la’aanta ahaa, waliba tayadoodu sareysay, waxaana ardayda Soomaaliyeed la soo dartay waxbarasho la’aan qaar heshay iyo qaar waxbarasho aan tayo laheyn helay, sidaasi darteed, waxaan diirada saari doonaa kor usoo qaadka tayada waxbarashada inta heysata iyo waxbarasho u raadinta kuwa aan heysan, haddii alle idmo”

3. Caafimaadka.

“Dhibta ugu daran ee dadkeena heysta waa caafimaad xumo, waxaana arkeysaa dad xanuuno sahlan oo dawo loo heli karo u dhibtooda ama u geeriyooda. Halistaasi oo ay shacabkeena ku jireen 26 sano ee u danbeysay, sidaasi darteed, waxaa qorsheynayaa ka shaqeynta goobaha caafimaadka oo la gaarsiiyo heer tuulo, degmo iyo gobol, lagana soo kabto caafimaad xumada ragaadisay shacabkeena”

4. Daryeelka shacabka danyarta ah iyo ka warqabka dadweynaha.

14442756_1244798318872172_1564397646_n“Sida caadada u noqotay baarlamaanka Soomaalida maalinta la doortay ayaa ugu danbeysa dadka doortay, mana jirto xiriir ka dhexeeya xildhibaanka iyo shacabka soo doortay ama uu matelayo, taasi oo meesha ka saartay ka warqabka baahida dadweynaha ee heerkasta leh. Haddaba, aniga oo taasi ka duulaya ayaan waxaan sameyn doonaa xafiis u gaar ah ka warqabka shacabka iyo dareenkooda, gaar ahaan caawinta dadka danyarta ee leh agoonta, waayeelka iyo kuwa aan waxba heysan.Haddii alle idmo.”

Xildhibaanada dunida kale, waxaa lagula xisaabtamo waa wax ka qabashada qodobada uu ballanqaaday Musharax Abdiweli Garyare, waxaase baarlamaanka Soomaalida qaar u heystaan inay xildhibaan u yihiin “KALA FADHIYADA BAARLAMAANKA OO LA JOOGO IYO MOOSHIN LAGA SHAQEEYO”.

Shacabka Soomaaliyeed ee laga rabay inay kala xisaabtamaan waxa xildhibaankaasi u qabtay shacabka doortay ayaan muuqan inay ku baraarugsan yihiin awoodooda la xisaabtanka.

DAAWO BALLANQAADKA MUSHARAX ABDIWELI GARYARE :
DAAWO HEESTA ABDIWELI GARYARE SII, EE LOO QAADAY MUSHARAX ABDIWELI GARYARE: