Daawo: Aabe maseeray oo gabadhiisa si arxan darro ah ugu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuukar Xuseen uu gabadhiisa si arxan darro ah ugu dilay magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday guri ku yaalla xaafadda Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana gabadha la dilay ay jirtay 6 bilood, sida ay sheegeen ehelladeeda.

Aniso Maxamed Cabdi oo ay walaalo yihiin gabadha yar oo la hadashay Shabelle TV ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in bir iyo garaaciis uu gabadha yar ku dilay Aabaheed, ayada oo arrintaan lala xiriiriyay maseer ama hinaaso darteed.

“Walaashey oo kor loo qaaday oo dhulka lagu deeyay oo bir madaxa looga garaacayo ayaan guriga soo galay,” ayeu tiri Aniso Maxamed Cabdi.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in gabadha yar oo aan waxba galabsan si silac ah oo arxan darro ah loo dilay, sida ay ku dooday

“Saqiir ayey aheyd 6 bilood ayey jirtay waxba ma galabsanin qof ay wax ka haleysana ma lahan. Walaashey xaqeeda in loo soo dhiciyo ayaan rabaa,” ayey sii raacisay Aniso.

Waxa kale oo ay baaq u dirtay dowladda federaalka oo ay ka codsatay inay cadaalad u raadiyaan qoyskeeda oo ka kooban 9 carruur ah oo iyo hooyadood.

“Dowladd sharaf leh ayaan ka codsaneynaa inay wax noo qabato, xanuunka qalbiga iga haayo ayaa wax weliba iiga daran oo walaashey iga dilay,” ayey markale tiri.

Dhinaca kakel qaar ka mid ah ehellada qoyskan oo ka soo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in ay weli handadaad kala kulmayaan Aabaha, isla-markaana ay isaga qaxeen gurigooda, cabsi ay ka qabaan darteed inuu markale ku soo weeraro xaafaddooda.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha yar iyo dadka dariska la ah qoyskaasi.