Daawo: Aabe si arxan darro lah loogu hor-dilay qoyskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen duleedka magaalada caasimada ah ee  Muqdisho, kaas oo loo gaystay Aabe ku dhex jiray carruurtiisa iyo qoyskiisa

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa gaystay rag ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo oo weerar ku qaaday qoyskaasi.

Gabar kamid ah ehellada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli ay joogeen bannaanka, isla markaana lagu hor-dilay Aabaha.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in kooxda dilka gaysatay ay taleefanada ka dhaceen, kadibna ay rasaas fureen, taas oo uu ku dhintay marxuumka oo 40 sano jir ahaa.

“Waxay ahaayeen 7 ruux oo ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo way nasoo galeen wiilna waa naga dileen wayna dhaceen” ayay tiri gabar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxay baaq cod dheer u dirtay dowladda federaaka Soomaaliya, ayada oo ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka oo ay sheegtay inay soo laa laabteen.

“Waxaan dalbaneynaa in nagala qabto dhalinyarada qoryaha wadata ee nagu soo soofeyso habeen walbo” ayay sii raacisay.

Inta badan waxaa Muqdisho iyo deegaanada u dhow ka dhaca dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay shacaba u gaystaan burcad hubeysan, hadda waxaa socda howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo dhowr jeer lagu soo qabtay rag hubeysan.