Daawo: Aasaasaha Dugsiga Abaarso oo Islaamka qaatay

Hargeysa (Caasimada Online) – Aasaasaha Dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargaysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ee Hargeysa Jonathan Starr ayaa qaatay diinta islaamka ee ku dhisan naxariista.

Jonathan Starr ayaa laga soo duubay muuqaal muujinaya isagoo loo qabanayo shahaadada xilli uu ku sugnaa masaajid ku yaalla dalka Mareykanka.

Ninkaan oo muddo badan madax ka ahaa dugsiga Abaarso, islamarkaana dhawaan as aasay Jaamacada Barwaaqo ee hablaha u gaarka ah ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan qaadashada uu qaatay Diinta Islaamka maadaama dugsigiisa dhowr jeer lagu eedeeyey in lagu faafiyo diinta Karishkanka.

“Waxaanu ku kulanay maqaaxi, wuxuu igu yiri waxaan rabaa in aan ku waydiiyo su’aalo Islaamka ku saabsan, kadibna waxan ku iri i waydii, shalay ayay isaga iyo adeerkii maqaayadii iigu yimaadeen, kadibna wuxu yiri waxan rabaa in aan shahaadada qaato,” waxaa sidaas yiri wadaadkii shahaadada u qabtay.

Dadka dhaliila Dugsiga Abaarso ayaa aaminsanaa in Starr uu yahay nin u jeedo kale ka leh waxbarashada uu bixiyo, oo faafinaya fikrado ka dhan ah diinta Islaamka, waxaana la oran jiray wuxuu ardayda baraa gaalnimo.

Mar kasta oo ninkaan loo jeediyo eed ku saabsan inuu faafinayo waxyaabo ka dhanka ah diinta Islaamka ayaa waxaa difaaci jiray waalidiinta caruurtooda ay wax ka bartaan dugsigan.

Dooda ka dhalatay eedeynta loo jeediyey ninkaan ayaa sabab u noqotay in maxkamad loo gudbiyo dacwad ka dhan ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku doodi jiray in Starr uu gaalnimo caruurta baro, wuxuuna weli ku jiraa xabsiga Hargeysa.

Ardayda wax ka barata dugsigan ayaa ku dooda in Starr iyo macalimiinta dugsigan wax ka dhigtaa anay marnaba lasoo hadal qaadin qadiyad diimeed, taas  badankeedana waxay mar kasta sheegaan inay iskuulka ka helaan waxbarasho tayo leh.

Lama ogo waxa qaadashada Islaamka ee Starr ay ka badali doonto dooda ku saabsan in iskuuladiisa laga faafiyo diinta gaalada.