Daawo: Abu Cubeyda oo muuqaal kasoo muuqdaay iyo arrimaha uu ka hadlay

Bu’aale (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe

Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shir ay dhawaan kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh.

Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa waxa uu ka hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya, kaasi oo uu sheegay in kooxdiisa ay ka gaartay guul wax ku ool ah, sida uu sheegay.

“Dagaalkii u dambeeyay ee soo qaadeen ay aheyd in ay adeegsadaan maleeshiyaad Macawisley la magac baxay oo tabartu biday inay miciin bidaan, iyagana aad hadda moodo inay fashilmeen oo meesha ka baxeen,” ayuu yiri Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abu Cubeyda ayaa waxa kale oo wareysigaan kooban ee uu siiyay warbaahinta kooxda, ku sheegay in dowladda federaalka iyo xulafadeeda qeybta ka ah gulufka dagaal ay ka quusteen in guul ka gaaran dagaalka Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa uu kusoo aaday (shirweynaha) xilli dowladda Mareykanka iyo xulafadiisa ay ka quusteen ama quus ka taagan yihiin weerarka iyo gulufka ay kusoo qaadeen Wilaatyaadka.”

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo.

Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Shirweynaha Al-Shabaab oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka qeyb-galay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Hoos ka daawo muuqaalka