Xasan ma ku baasi doonaa imtixaanka ay ku dhaceen Sheekh Shariif iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho marka laga tago inay tahay caasimadda Soomaaliya, dhinaca kale waxay tan iyo sanadkii 2000-ka imtixaan ku aheyd nuuc walba oo maamul ah oo ka curta Soomaaliya.

Laga soo bilaabo aas-aaskii Jamhuuriyaddii saddexaad ee shirkii Carta hal shaqo oo weyn, balse isku mid ah ayaa hortaalay madaxweyne kasta oo la doorto. Shaqadaas waa Muqdisho oo nabad ah.

Dhamaan madaxdii 23-kaas sano la doortay oo ahaa Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo, dhamaan waa ku fashilmeen in Muqdisho nabad ka dhigaan.

Balse, Xasan Sheekh wuxuu kusoo laabtay xukunka, wuxuu helay nasiib aanay madaxdaas kale helin, wuxuu soo laabtay iyada oo weli ay taagan tahay isla su’aashii aheyd yaa Muqdisho nabad ka dhigi kara?.

Maalmahaan waxaa si weyn looga hadla inuu kasoo reynaayo amaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, weli lama dhihi karo caasimadda waa amni, laakiin waxaa muuqata in sidii hore wax badan dhaanto oo ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ah.

Balse, taasi kama dhigna inuu Xasan Sheekh weli su’aashii jawaab u helay. Fursad ayuu’se weli haysta. Hoggaamiyihii ku guuleysta inuu Xamar nabad ka dhigo, wuxuu qabtay howl ay qaban waayeen dhamaan madaxdii la doortay 23-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh oo 23-kaas sano oo isaguba qeyb ku leh, balse fursad labaad helay wuxuu fahamsan yahay ahmiyadda arrintaan.

Muqdisho waa meesha laga ogaado shaqada iyo shacbiyada dowladda, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto micnaheedu waa in shaqo la qabtay, haddii amniga Muqdisho lagu guuleystay shacbiyada kor ayay u kici doonta.

Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto dhaqaalaha dowladda kor ayuu aadi doona, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto Al-Shabaab siima jiri karaan, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto shaqo la’aanta dhalinyarada daawo ayaa loo heli doona oo maalgashi xoog leh ayaa dhici doona.

Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto isku haynta dalku waa sahlanaan doonta, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto dowladdu waa ka maarmi doonta dawarsiga ajnabiga, haddii amniga Xamar la xaqiijiyo waxay sahli doonta in guud ahaan ammaanka dalka la xaqiijiyo.

Xitaa madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu ku fekerayo inuu siyaasadda kusii nagaado sanado kale, inuu Muqdisho nabadeeyo waxay u noqon doonta hubkiisa ugu weyn ee loolanka siyaasadda.

Dhamaan fursadahaas oo dan u ah dalka, dadka, dowladda iyo hoggaanka maanta xukunka haya waxay ku xiran yihiin Muqdisho oo nabad laga dhigo.

Dadweynaha waxay baddi aaminsan yihiin inuu Xasan Sheekh haysto fursadii uu taas ku sameyn lahaa iyo koox fahamsan ahmiyadda ay mashruucooda u leedahay inay Muqdisho nabad ka dhigaan.