Xubno Shabaab ah oo xalay lagu qabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qantay laba eedeysane oo la xiriiriyay inay yihiin Al-Shabaab.

“Howlgal ka dhacay deggmada Howlwadaag  ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay in ay Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray in howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay waaxda Saqawadiin lagu soo qabtay maandooriye isugu jiro Qamri iyo Calaq.

“Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Howlwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin.” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalkan oo lagu magacab Ciiltire uu sii socon doono, isla-markaana ay ka qayb qaadan ciidamada cusub Boolis Milataaro.

Ujeedka ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loona ciribtiri lahaa burcaddam maandooriyaha iyo ciyaal-weerada, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Si kastaba, howlgalladan iyo qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa keenay degnaasho iyo xasilooni ay dareemeen shacabka Muqdisho.