Shan qodob oo muujinaya in Erdoğan dib loo dooran doono

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay taariikhda geli doono doorasho ku-celis ah, kadib markii doorashadii 14-ka May uu waxyar ka hoos maray 50% codadka, oo laga doonayey musharaxa guuleysanaya si looga baaqsado wareeg labaad oo doorasho ah.

Erdoğan ayaa wareeggii koowaad helay 49.5%, halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 44.9%. Sinan Oğan ayaa kaalinta saddexaad ku galay 5.2%.

Haddaba intee le’eg tahay rajada Erdoğan ee wareegga labaad?

Aniga oo eegaya arrimo badan, islamarkaana ka cibro qaadanaya doorashooyin hore oo qaarkood ay ka dhaceen Mareykanka iyo dalal kale, waxaan aaminsan yahay in Erdoğan uu si fudud ugu guuleysan doono wareegga labaad, dhowrkan sabab dartood. 

1- Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya inuu saamiga codadkiisa wareeggii hore ku kordhiyo 0.5% si uu u guuleysto, taasi oo aad uga fudud howsha u taalla Kılıçdaroğlu oo u baahan inuu saamigiisa ku daro 5%. Waa arrin aad u adag in lagu sameeyo laba toddobaad gudahood.

2- Caadiyan musharaxa xilka haya ma lumiyo taageerada cod-bixiyayaasha wareegga koowaad, sababtoo ah haddii shan sano oo uu xilka hayey Erdoğan aysan ra’yigooda beddelin wax kasta oo muddadaas dhacay, ma jirto sabab ay 14 maalmood gudahood isu beddelaan. Waxa kaliya ee isbeddel weyn keeni kara waa dhacdo weyn ama fadeexad cusub oo soo baxda, taasi oo aan hadda muuqan.

Bil caksi, waxaa suurta-gal in taageerayaasha Kılıçdaroğlu qaarkood ka niyad-jabaan natiijada wareeggii koowaad, sidaas darteedna aysan soo bixin-wareegga labaad ayaga oo aamisan in laga adkaan doono. 

3- Teegarayaasha Erdoğan ee midigta waa ka daacadsan yihiin, kana hubanti badan yihiin kuwa mucaaradka marka ay noqoto usoo bixidda codeynta. Waa muxaafid ku adag diinta, da’ ah oo u badan reer miyi iyo kuwa ku nool magaalooyinka yaryar, halka kuwa mucaaradka u badan yihiin dhallinyaro, bidixda xiga oo ku nool magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo Ankara. 

Waxaa tan caddeyn u ah in Erdoğan uu wareeggii koowaad helay 49.5% codadka, inkasta oo codadka ra’yiga ay qiyaaseen 45-47%, halka Kılıçdaroğlu oo la qiyaasayey inuu gaari doono 47-49% uu helay 45%. Tani macnaheedu waa in dad badan usoo baxeen Erdoğan, halka mucaaradka qaarkood ay seexdeen.

4- Codadka lagu loolamayo waa taageerayaasha Sinan Oğan oo ah 5% codadka guud. Oğan waa siyaasi xiga midigta-fog, oo macanheedu yahay inay Erdoğan wada xigaan dhanka midigta, balse uu kasii xagjirsan yahay. 

Waxay Erdoğan ka mideysan yihiin inay doonayaan in aad loola dagaalamo kooxda Kurdish-ka ee PKK, halka Kemal Kılıçdaroğlu lagu riixayo inuu u dabacsan yahay kooxdaas, balse waxay Erdoğan ku kala duwan yihiin in Oğan uu kasoo horjeedo qaxootiga Suuriyaanka ah, taasi oo ay ka mideysan yihiin Kılıçdaroğlu.

Waxaa macquul ah in taageerayaasha Oğan ay u kala qeybsamaan Erdoğan iyo Kılıçdaroğlu, balse Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya 20% taageerayaasha Oğan oo siin karta 1% dheeri ah codadka guud ee doorashada, halka Kılıçdaroğlu u baahan yahay gebigood. Waxaa halkan ka cad sida howsha u taalla labada musharax u kala fududahay.

5- Caadiyan aadanaha ma jecli in la xijiyo dhanka guuldarrada. Tani macnaheedu wuxuu yahay in dadka aan labada musharax kala jecleyn ama weli go’aan ka gaarin qofka ay codka siin doonaan, ay u badan tahay inay xigsadaan dhanka Erdoğan, maadaama uu wareeggii koowaad ku guuleystay, una badan tahay inuu kan labaad guuleysto. 

Arrimahaas oo dhan waxay muujinayaan inay Erdoğan u badan tahay inuu ku guuleysan doona wareegga labaad, taasi oo niyad-jab ku ah Reer Galbeedka iyo warbaahintooda oo dagaal xooggan ku qaaday, balse ay u riyaaqi doonaan malaayiin Muslimiin ah oo aad u jecel hoggaamiyaha xukumayey Turkey 20-kii sano ee tegay.