Maxay yihiin ciidamada cusub ee gaarka ah ee Imaaraadka usoo tababaray Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmo kahor dalka Uganda tababar heer sare ah loogu soo xiray ciidamo cusub oo qeyb ka ah kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta ay taageerayso.

Ciidamadan oo tababarka loo soo xiray Jimcihii ayaa waxaa la sheegay inay yihiin urur gaar ah (special force) oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, islamarkaana la siiyay tababar dheeraad ah oo heerkiisu aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda.

Imaaraadka Carabta ayaa iyadu bixinaysa kharashka ku baxaya tababarka ciidamada lagu tababarayo dalka Uganda, ayada oo arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Sidoo kale waxay ciidamadan kamid yihiin illaa 12,000 askari dowladda Imaaraadka Carabta ay kharashkooda iyo hubkooda bixineyso, loona tababarayo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababarkooda uu ka dhacayo dalka Uganda, Masar, Itoobiya iyo Eritrea.

Ciidamadii ugu horreeyay oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa billooyin kahor laga howl-galiyay magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, markaas oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Hase yeeshe ciidamadan cusub ee tababarka loogu soo xiray Uganda ayaa la sheegay inay lamid aheyn kuwii hore ee caasimadda ka howl-galayay ee ahaa Booliska Milateriga, waxayna iyagu ka howl-gali doonaan gobollada ka baxsan caasimadda, islamarkaana waxay ku biiri doonaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.