Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo is-casilay isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow

Riyadh (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh.

Saalim Macow Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeybgalka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023.  

“Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.”

Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo.  

Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” 

“Haddaba anigoo ilaalinaya sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaya sharafta dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha dalka Sacuudiga laga billaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin doonaa ku-xigeenka danjiraha mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.”

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hinda Culusow oo ku saabsan eedeynta uga timid safiirka. 

Si kastaba, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu ka mid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana dhowaan la hadal hayey in la beddeli doono.