Al-Shabaab oo bayaankii ugu cusla kasoo saartay gulufka dagaal ee DF Soomaaliya

Bu’aale (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war-murtiyeed laga soo saaray shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Amiirka kooxda, Axmed Cumar Abuu Cubeyda, waxaana laga soo saaray bayaankii ugu cuslaa ee kooxda kaga jawaabeyso gulufka dagaal ee uga socda qeybo badan oo dalka.

Kooxda ayaa waxay sheegtay in dowladdaha shisheeya oo gacan ka helaya tan Soomaaliya ay soo qaadeen duullaan ballaaran oo ay ku sheegtay in lagu beegsanayo caqiidada, dhaqaalaha iyo deegaanada Muslimiinta, “waa lama huraan in dhexda u xirtaan difaaca dhulkooda.”

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab oo u muuqda mid ay taageero ugu raadsanayaan dagaalka ku socda ayaa waxay ku sheegtay in maleeshiyaadkeeda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si wada-jir ah uga qeyb qaataan ka hortagga iyo fashilinta wejiga labaad ee gulufka dagaal, sida lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay ku sheegeen in ka qeyb ahaanshaha ciidamada Itoobiya ee wejiga labaad ee dagaalka uu ku saleysan yahay damac dhul ballaarsi oo soo jireen ah oo daba socda sheegashadooda lahaanshaha Zeylac, Muqdisho iyo Balcad, sida lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu weeraray dowladda Imaaraadka Carabta, oo xilligaan kaalin mug leh ku leh dagaalka socda, dowladda federaalka ka taageeraysa tababarka iyo kharashaadka ku baxaya ciidamada cusub ee qeybta ka noqoneysa qorshaha dowladda ee dagaalka iyo xasillinta caasimadda.

“Imaaraadku waa dubbaha Yahuudda iyo Mareykanka u adeegsadaan gumeynta iyo gumeysashada umadda, fara-gelinta ay Soomaaliya ku haysana ay tahay mid ay ku abuureyso maleeshiyaad lamid ah kuwii ay ka sameysay Yemen, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo markii ay burburisay ay gacanta u gelisay cadowgoodii soo jireen ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kooxda Al-Shabaab.

Kooxda ayaa waxa kale oo si weyn uga gil-gilatay dagaalka dhaqaale ee ka wajaheyso dowladda federaalka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool, sida ay kal hore sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shabaab ayaa ku tilmaamtay dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah mid lagu beegsanayo dhaqaalaha iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo qorshe ay gacmo kale ku doonayaan inay ku bililiqeystaan hantida umadda, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, Shirweynaha laga soo saaray war-murtiyeedkan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.