Daawo: Afhayeenka Daarood “Axmed Madoobe Wuxuu dib usoo nooleyay Colaadii Hawiye & Daarood”

Mid ka mid ah Ugaasyada dhaqanka Beesha Sade Daarood, ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood, ayaa ka hadlay arrimaha maamul sameynta gobollada Jubbooyinka ee uu hor kacayo hogaamiye kooxeed Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamul KMG ah oo ka dhisan Kismaayo.

Ugaas Maxamed Weli oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dib usoo nooleeyay barnaamijkii beelaha Daarood iyo Hawiye.

TV-ga Somali Channel ayaa baahiyay shirka jaraa’id ee Ugaas Maxamed Weli ee Daawo.