Daawo: Amniga madaxda DF oo la adkeeyay iyo ciidan cusub oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta heegan buuxa galiyay guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hay’adaha dowladda ee VIP, si ay u kordhiyaan mas’uuliyadda saaran ee amniga madaxda iyo xarumaha dowladda.

Taliyaha guutada oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa maanta soo bandhigay ciidamadan gaarka ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana u xil-saaran amniga qaranka, gaar ahaan madaxda sare iyo hay’adaha dowladda kuwa VIP-da.

Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan loo diyaariyay inay ka hortegaan wax kasta oo halis ku ah amniga mas’uliyiinta qaran, isla-markaana ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, si ay iga hortegaan falalka liddiga ku ah amniga qaranka.

“Waxaa loo aas aasay oo ciidankan loo diyaariyay in wax kasta oo amni darro ah oo ku imaanaya mas’uuliyiinta qaranka iyo xarumaha inuu ka hortego, waana ciidan aad loo diyaariyay, loona carbiyay inay wax weliba dareemi karaan,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la kordhiyo tababarada ciidamadaan, si u helaan aqoon iyo gaadiid ay ku shaqeeyaan, si ay ulaba jibaaraan waajibaadka saaran ee amniga madaxda.

“Hadda waan sii dardar-gelineynaa dadaalka waxaan rajeynayaa in ciidankaan tababaro caalami ah helaan iyo gaadiid, kadibna Obareeshano fuliyaan,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba soo bandhigidda ciidamadan gaarka ah ee amniga madaxda dalka iyo hay’adda dowladda ee VIP ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo culeys xoogan soo saartay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.