Daawo: Xildhibaanada BF oo shaaciyay arrin halis ku ah oo ka taagan xarunta golaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kahor hadlay kulankii Golaha ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda amni.

Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka mid ah xubnaha hadlay ayaa sheegay in la beddalay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalinayey xarunta Golaha Shacabka, isla-markaana lagu beddalay ciidamo cusub oo uu tilmaamay in aysan garaneyn halka laga keenay.

“Golaha amnigiisa la’iskuma halleyn karo, maxaa yeelay ciidankii loo soo tababaray in uu waardiyeeyo Golaha badankooda waa laga saaray meesha waxaa ka maqan ciidan kor u dhaafaya 50,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka tirsan Golahaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan aysan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday, isla-markaana ay halis ku yihiin amnigooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan garaneyn xasaanadda xildhibaanka, sidoo kalena aysan akhrin karin magaca ID-ga sida uu ku dooday.

“Ciidan aan la aqoon ayaa la keenay meesha amnigeedana ayey qatar ku yihiin, mana akhrin karaan magaca ID-ga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagneyd dood la xiriirta amniga xildhibaanada, kuwaas oo walaac ka muujiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Muqdsho, kadib markii ay kordheen muranada xildhibaanada iyo ciidamada sugaya ammaanka.