Tirada Soomaali ku dhimatay Faransiiska oo korortay

Lyon (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa musiibada ka dhalatay dab xoogan xoogan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka kacay dhisme ku yaalla bariga magaalada Lyon ee Faransiiska, halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay qoys Soomaali ah.

“Run ahaantii musiibo weynbaa ka dhacday dalka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Lyon Innaa Lilaali Waa Innaa Ileyhi Raajicuun Allaha u naxariisto dadka halkaa ku geeriyooday guud ahaan, qoysas badan ayaa ku jiray dhismaha, hal qoys oo Soomaali ah ayaana ugu darnaa,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse oo ka mid ah Soomaalida ku nool Lyon.

Tirada dhimashada ayaa haatan sii korortay waxayna gaartay ilaa 10 qof oo ay 6 ka mid ah yihiin qoys Soomaali ah oo kala ahaa Hooyo, afar carruur ah oo ay dhashay iyo gabar kale oo ay ilmo adeer ahaayeen, sida uu xaqiijiyey Maxamed Axmed Muuse oo la hadlay VOA.

“Hooyadii iyo afar carruur ah oo ay dhashay iyo inan kale oo ay ilmo adeer ahaayeen intaas ayaa ku geeriyootay lix qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse.

Sidoo kale wuxuu intilmaamay in ay dhaawacyo soo gaareen saddex wiil oo kale oo isla qoyska ka mid ah, kuwaas oo laba kamid ah ay kooma ku jiraan, halka kan kale uu dhaawac fudud oo jab ah soo gaaray, kadib markii uu ka booday dhismaha dabaqa gubtay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay ku howlan yihiin ka Jaaliyad ahaan aaska carruurta iyo hooyada ku geeriyootay dabka ka kacay bariga dalka Faransiiska.

“Iminka waxaa socdo nidaamkii wax loo aasayay ee loogu soo wareejinayey Jaaliyadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri Maxamed Axmed Muuse.

Dhanka kale Xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa haatan baaris ku heysa kiiskan, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dabkani aanu u billaabmin si kama’ ah.