Daawo: Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed oo looga dhowaaqay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta looga dhowaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan isbeddel.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay inay usoo istaageen badbaadinta koonfur Galbeed, ayna kasoo horjeedaan muddo kororsiga Laftagareen, ayaga oo ku dooday in maanta oo ah 19 December uu xilkiisa ku egyahay.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in kaliya ay ku qanacsan yihiin in la qabto doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed.

“Doorasho haa muddo kororsi maya,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo dhinaca kale xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ayaguna ganafka ku dhufteen dadaallada uu wado guddoomiye Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo maalmihii u dambeeyay dadaallo xoogan ka waday magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan loo ballasan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay Sheekh Aadan Madoobe oo dhacaya 5-ta Janaayo, 2023-ka.

Si kastaba, muranka hareeyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu ka dhashay muddo kororsiga halka sano ee ay xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulkaasi u sameeyeen Laftagareen, waxaana iska diiday xubnaha mucaaradka ee joogo Muqdisho.