Daawo: Axmed Madobe oo maanta isku maray 5 degaan oo laga xoreeyay Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe oo halkaasi khudbad uga jeediyay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan laga xoreeyo, islamarkaana ay tahay in la gaarsiiyo horumarka dowladnimada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas waxa uu kusii daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa-Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen ciidamada qalabka sida.

“Waxaa dib u howl-galinay markii la xoreeyay ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan (ciidamada) dadka deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa dadka reer Jubbaland u ballan-qaaday inay wadayaan howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab, illaa inta la xoreeynayo deegaanada maamulka Jubbaland, oo qeybo kamid ah gacanta ku hayso kooxda.

“Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa markii u horeysay ee Axmed Madoobe uu tago shantan deegaan tan iyo markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo muddo ka talineysay, waxayna kusoo aadeysa xilli uu dardar ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda, ayna bilaabanayaan wejiga labaad ee howl-galada oo ay qeyb ka yihiin dalalka deriska.

Hoos ka daawo