Wasiir FIQI oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka ka wadaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay howl-galada cusub ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyntii bogaadiyay howl-galadaas oo uu sheegay inay yihiin kuwa wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galada Booliska ay ka wadaan caasimada iyo guud ahaa gobolka ay baajiyeen fal-dambiyeedyo qatar ku ahaa amaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri WAsiir Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe howl-galo lagu xaqiijinayo amniga ka waday magaalada Muqdisho, iyaga oo ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga caasimadda, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada.

Intii ay socdeen howl-galada qeybta ka ah qorshaha xasilinta amniga caasimadda ayaa waxay ciidamada ka hortageen kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada iyo qaraxyo la rabay in lagu aaso hareeraha waddooyinka.

Booliska ayaa shalay howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, kadib markii uu sameeyay iska caabin, sida ay uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Sidoo kale habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.