Daawo: Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Biixi

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay munaasabadda kowda Luulyo oo lagu qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda Laascaanood uu yahay wax laga xumaado, isla-markaana ay nasiib darro tahay dhiigga ku daadanaya magaaladaasi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dhibaatada ka socota Laascaanood ay dhaawaceyso halganka odayaashii reer Hargeysa ee keenay guusha calanka Soomaaliya.

“Arrinta midnimada markaan ka hadlo waxaan rabaa inaad qodob yar ku daro oo aan ka hadlo dagaallada ka socda Laaascaanood oo aan is leeyahay ma’aha dagaal loo baahnaa in maanta intaas oo dhiig ah ay daadato odayaasha reer Hargeysa ee shalay calanka keenay haddii lagu yiraahdo xaaladda noocaas ayaa bariga jirta xabaasha inay qotaan ayey kasoo bixi lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu toos ugu weeraray khudbaddiisa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku eedeeyay in wado wixii uu shalay isagu diidayay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan saaxibkey Muuse Biixi iraahdo Muusow waxaad shalay diiday maanta ha’isku dayin inaad ku dhacdo” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uusan ku jirin xabad, balse loo baahan yahay in lagu raadiyo wadahadal iyo deganaan.

“Sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan iraahdo war wax walba oo xal lagu dhameyn karo in xabad lagu raadiyo xal noqon meyso,” ayuu sii raaciyay Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu mar kale dagaalka dib u qarxay Laascaanood, waxaana ugu dambeysay xalay oo madaafiic lagu weeraray gudaha magaaladaasi.