Daawo: Barkhad Jaamac Batuun oo maanta ku dhaqaaqay tallaabo ‘dhif iyo naadir ku ah’ Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii kusoo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ka keenay codad aad u badan ayaa maanta ku dhaqaaqay arrin cajiib ah oo ugu mahad celinayo taageerayaashiisa.

Barkhad Batuun ayaa iibiyey gaari uu lahaa si uu kaalmo lacageed oo mahad celin ah u gaarsiiyo shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May.

Tallaabada uu qaaday Xildhibaan Batuun ayaa lagu tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah geyiga Somaliland, maadama musharaxiinta badankooda markay guuleeystan aan dib loo arkin.

“Adduun kale ma haynin gaari baan lahaa waana iibiyey, waxaana u iibiyey in aan dadkii naftooda ii huray wax dib ugu celiyo,” ayuu yiri Barkhad Batuun oo booqday qaar kamid ah dadkii naf hurka u muujiyey xiligii codeynta doorashada.

“Waxa aad ii hurteen naftiini iyo maalkiina codkiina waad igu darteen, dhib badan ayaa idinku gaadhay, Damiirka iyo dadnimadu waxay i faraysa in aan wixi aan hayo idin hibeeyo, Gaadhigi aan watay ayaan dartiin u iibiyey oo aan jeclaaday in aad iga guddoontaan, Guushina waad hesheen oo waan soo baxay! 20ka kun ee codkooda i siiyeyna ma wada gaadhi karo laakin Abaal iyo Ogaal aan abid qalbigayga ka baxayn baan u haya.”

Dadka uu sida gaarka ah u gaarsiiyay kaalmada lacageed ee mahad-celinta ayaa waxaa kamid aheyd haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay, wiil dhalinyaro ah oo ku jabay goobtii codeynta iyo Nin kal hore gudoonsiiyey Buulkiisa si uu xarun olole uga dhigto Batuun.

Muuqaalka uu Batuun kaalmada lacageed ku gudoonsiinayo shaqsiyaadkaas ayaa noqday mid si weyn usoo jiitay bulshada Soomaaliyeed, maadama uu xanbaarsan yahay dareen ugub ku ah Somaliland, islamarkaana muujinaya qalbi wanaagii uu ku hantay codadka 20-ka Kun ka badnaa.

Hoos ka daawo Muuqaalka