Daawo: Beesha Mudulood oo ka digtay dhul boobka ka socda degmada Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta iskugu yimaadeen waxgaradka, Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Mudullood oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga horyimid dhul boob ka socda degmada Dayniile.

Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga digay dhul boob ka socda dhul la sheegay in garoon diyaaradeed ay ka hirgelinayso dowladda.

Guddoomiyaha horumarinta Beelaha Mudullood, Muxiyadiin Xasan Afrax iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka Beesha oo ka hadlay kulankaas ayaa madaxda sarre ee dowladda usoo jeediyay inay wax ka qabtaan dhul boobka lagu hayo dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen dukomuntiyo ay ku cadeynayaan in dhulkaas ay leeyihiin dad kasoo Reer Sheekh Axmed Mataan, ayada oo uu dhawaan Wasiir Duraan ku sheegay in dhulkaas laga hirgelinayo garoon diyaaradeed.

“Waxaa sheegayna, oo u sheegayna ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka iyo cirka in meesha laga rabo garoonka waxaa ka taagan qeylo oo dadkii lahaa wey taagan-yihiin,” ayuu yiri Guddoomiyaha horumarinta beelaha Mudulood.

Odayaasha beesha Mudulood ayaa ku hanjabay haddii la dhageysan waayo baaqa maanta ay jeedinayaan arrintu isku badali doonto dagaal gacan ka hadal ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Kulanka maanta ayaa imanaya xili si weyn isu-soo tarayso cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile.

Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciyey inuu sharciyeeyo.

Hoos ka daawo muuqaalka