Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida uu qorshuhu yahay waxa uu ka qeyb galaya shir looga hadlaya diblomaasiyadda, oo ka dhacaya magaalada Mediterranean-ka ee Antalya.

Inkastoo shirkan uu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah martida ku casuuman shirkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxeysa 18-20 bishaan, waxaana ka qeyb galaya madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madax dalal kale oo dhowr ah oo aysan qeyb ka aheyn dalalka leh quwado millateri.

Dhinaca kale, shirkaan looga hadlayo diblomaasiyada ayaa waxaa hore u qaadacay dalalka ugu waaweyn dunida ee Mareykanka iyo Yurub, waxaana ilaa hadda inta la ogyahay ka qeyb galaya madaxda 36 dal oo u badan dalalka qaaradaha Afrika iyo Asia.

Waxaa xusid mudan in dalalka Yurub ee aqbalay ka qeybgalka shirkan ay yihiin dalal yaryar, oo aan miisaan ku laheyn midowga Yurub.

Dalalka aan awood badan ku dhex laheyn Midowga Yurub ee shirkaas qeybta ka ah, ayaa waxay kala yihiin: Malta, Kosovo, Montenegro, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia, North Macedonia, Albania, Moldova, Ukraine, Romania, iyo The Qubrusta waqooyi oo ah dal uu aqoonsan yahay Turkiga keliya.

Safarka lagu wado inuu Farmaajo ugu baxo Antalya ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee uu baxo inta aan la gelin doorashada loo balansan yahay, wuxuuna qeyb ka noqonayaa tirsiga safaradiisa oo in ka badan 100 jeer uu uga baxay dalka.