Daawo: Beesha Saleebaan oo wareejisay ciidan cusub oo qeyb ka noqon doona…

Xarardheere (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa wareejiyay ciidan cusub oo loogu tala-galay ka qeyb qaadashada dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Nabadoonnada iyo odayaal kasoo jeeda beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa ciidankan geeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan ciidamadii hore ugu sugnaa halkaasi, ee qeybta ka ah dagaalka socda.

Nabadoonnada iyo Odayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarardheere ayaa sheegay inay ku soo biireen halganka socda qeybaha dhiman dhameystirkiisa, sidoo kalena ay tallo wadaag la noqdaan dadka halkaasi degan.

“Waxaa kusoo biirnay in aan wax kasta oo wanaag ah oo loo sameynayo degmada Xarardheere iyo dadkeeda in aan qeyb ka ahaano,” ayuu u dhignaa hadalka Nabadoonnada iyo Odayaasha beesha ee halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la siyaasadeyn dagaalka socda, oo beelaha kalena ay kaalintooda ka qaatan gulufka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, “Waxaa naga mamnuucan oo anagu iska mamnuucnay oo walaalaha kalena ka dooneyna in aan la siyaasadeysan halganka lagula dirirayo Khawaarijta.”

“Dadka kasoo jeeda degmada Xarardheere waa inay soo gurmadaan, oo wax ka xasiliyaan dalka, horumarkiisana wax ka qabtaan. Umadda Soomaaliyeed ee gobolkaan kasoo jeeda waa ugu baaqeyna, nabadda na deeqda oo derisnimada iyo walaalnimada na deeqda.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in degmada loo dhameystiro adeegyada muhiimka, maadaama ay muddo gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay, islamarkaana ay hesho dhamaan adeegyada dowliga ah.

“Ballanteenu waxay tahay in Khawaarijta cirib-tirno, oo dal, diin iyo dad intaba duleystay. Waana in taakulo nooc walbana loo fidiyo ciidamada kala duwan ee dagaalka ku jir.”

Hoos ka daawo muuqaalka