Howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay lahayd Al-Shabaab + Khasaaraha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa howl-gal qorsheysan oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab ka fuliyay bariga gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa lagu bartilmaameydsaday fariisin kooxda ay ku lahayd deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Budbud ee bariga gobolka Galgaduud.

Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo hogaaminaayey ciidanka deegaanka ee howl-galka la fuliyey ciidanka xoogga dalka, waxaa kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan khasaare xooggan, illaa haddana uu socda.

Ciidamada ayaa toogtay Lix kamid ah dagaal-yahaanada Shabaab ee ku sugnaa xarunta la weeraray, halka sidoo kale gacanta looga dhigay Hubkii ay adeegsanayeen dagaal-yahaanada howl-galka lagu Khaarijiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka kooxda ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida ay horey u shaacisay dowladda.