Daawo: Buuq xoogan oo hareeyey kulanka Golaha Shacabka BF + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta buuq xoogan uu hareeyey kulan ay halkaas ku leeyihiin xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad ee dalka, balse ka hor waxaa fowdo ay ka bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ay soo galeen 32 xubnood oo kasoo baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo ay weli doorashadooda ka taagan tahay xiisad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan wadan kaararka aqoonsiga ee rasmiga ah.

“Kismaayo ayaa leygu soo doortay sida aniga ley soo dooratay ayaa lagu soo doortay xildhibaanada Ceelwaaq guddiga FEIT iyo SEIT ayaa shahaadada na wada siiyey, na dhaariyey kaarkii baarlamaanka nagala siiyey,” ayey tiri mid ka mid ah gabdhaha xildhibaanada ah ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxay intaasi sii raacisay “Waxaa soo galay dad fowdo ah oo weliba lagu dagaalamay oo ciidamadii ammaanka lala dagaalamay oo lasoo geliyey oo xaq u laheyn kaararka ay wataan waa ‘FAKE’ kaarar bannaanka lagu soo sameeyey ayaa lasoo siiyey,”.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale xustay in uu qal-qal ku jiro amnigooda, waxayna baaq u dirtay guddoonka cusub ee Golaha Shacabka iyo laamaha ammaanka.

Arrintan ayaa waxaa ku kala qaybsamay xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay inay dood xoogan hareyso kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ah kii ugu horreeyey ee uu Goluhu yeelanayo, kadib doorashadii guddoonka cusub oo dhacday 27/28-kii bishaan April.

Halkan hoose ka daawo: