Daawo: Xogta khilaaf culus oo ka dhex-qarxay amiirada Al-Shabaab oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeyey ee ciidanka dowladda ay Al-Shabaab uga saareen deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa xog cusub ka bixiyey waxa ka socda gudaha Al-Shabaab.

Jeneraal Caanood ayaa shaaciyey in gudaha Al-Shabaab uu ka qarxay khilaaf adag iyo is eedeyn ka dhalatay guul darada ay kala kulmayaan furimaha dagaalka, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in gacan ka hadal uu ka dhex-bilowdo.

“Markii dagaal dhaco ee la guul dareyso waxaa sunno ah in la is eedeeyo oo mararka qaar la isku gacan qaado, marka hadda Al-Shabaab gudahooda waxaa ka taagan khilaaf adag iyo is eedeyn ay ku kala tageen kuwa ugu sareeya kooxda,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Xubnaha qaar wuxuu sheegay in kalsooni darro weyn ay soo wajahday, “Sida lagu yaqaano dagaalka ciidankii laba jeer jaba dib dambe uma dagaalamaan, wuxuuna aaqirka isku dhiibaa cadowgiisa, taas waxaa hadda qarka u saaran maleeshiyaadka u dagaalamaya Shabaab-ka,” ayuu yiri.

Jananka ayaa sheegay in Amiirro ka tirsan Al-Shabaab ay quus ka joogaan sii socoshada dagaalka, “Amiirrada markii ay gacantooda ka baxeen deegaanadii ay maamulayeen waxay qarka u saran yihiin oo mar dhow aad arki doontaan Amiirro waaweyn oo isisoo dhiibaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku taliyey in dib loo bilaabo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo yareeyo khasaaraha, iyadoo muhiimad la siinayo sidii bulshada loogu soo celin lahaa dhalinyarada u dagaalameysa Al-Shabaab, iyagoo nabad-qaba.

“DF iyo dowlad goboleedyada waa inay sameeyaan dad u qaabilsan wacyi gelinta, si dariiqa saxda ah loogu tilmaamo dhalinyarada la qalday, carruuntaan ay qaldeen dilkooda waxaa nooga fiican inay dib ugu soo laabtaan bulshadooda, inta dowladda isku soo dhiibeysa waxaa ka badan kuwa deegaanadoodii u laabanaya,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Wuxuu sheegay in mar kasta oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay is dhiibaan ay suurta-gal tahay inay ku jiraan xubno aan daacad aheyn, taas oo khasab ka dhigeysa in xubnaha isisoo dhiibaya la marsiiyo nidaamka dhaqan celinta dowladda ee xero Sarandi.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku qasbanaadeen inay isaga baxaan deegaanadii ay maamulayeen, si aan looga leyn maleeshiyaadka u dagaalamaya, si ay weerarro rogaal celis ah u geystaan, taas oo hadaba dhacda.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in taatikadaas ay adeegsanayaan loo heli karo mid lamid ah oo lagu dhabar jebi karo kooxda, taas oo sida uu sheegay ay qorsheynayaan inay ku dagaal tegi doonaan dhawaan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu hadda warbaahinta la wadaago.

Hoos ka daawo