Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay liiska “ururada argagixisada shisheeye” ka saarayso kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo ah koox mar lala xiriirin jiray Al-Qaacida, kuna guulaysatay inay xukunka ka tuurto dowladdii Suuriya bishii Diseembar.
“Anigoo raacaya ballanqaadkii Madaxweyne (Donald) Trump ee 13-kii Maajo ee ahaa in cunaqabataynta laga qaado Suuriya, waxaan halkan kaga dhawaaqayaa qorshahayga ah inaan ka noqdo aqoonsigii Urur Argagixiso Shisheeye (FTO) ee Jabhat al-Nusra, oo hadda loo yaqaan Hay’at Tahrir al-Sham (HTS),” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo hadalkaas ku sheegay war-saxaafadeed.
Isbahaysi hubaysan oo uu hoggaaminayo hoggaamiyaha HTS, Axmed al-Sharca, ayaa sanadkii hore xukunka ka tuuray madaxweynihii Suuriya ee xilligaas, Bashar al-Assad, isagoo soo afjaray nus qarni xukun arxan-darro ahaa oo ay qoyskiisu dalkaas ka talinayeen.
Al-Sharca ayaa la wareegay xilka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, taasoo ah tallaabo si taxaddar leh looga soo dhoweeyay Washington, Yurub iyo meelo kale, iyadoo cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Israel ay doonayso inay xiriir la samaysato dowladda cusub.
Tallaabadan Washington waxay si rasmi ah u dhaqan geli doontaa maalinta Talaadada, waxayna daba socotaa kadib markii Madaxweyne Trump uu toddobaadkii hore si rasmi ah u laalay cunaqabatayntii dalkiisu ku soo rogay Suuriya.
“Tallaabada berri waxay ka dambaysay kala diristii lagu dhawaaqay ee HTS iyo ballanqaadka dowladda Suuriya ee ah inay la dagaallanto argagixisada nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Rubio.
HTS waxaa hore loo oran jiray Jabhat Al-Nusra, waxayna horey u ahayd laanta Al-Qaacida ee Suuriya, balse waxay xiriirka u jartay kooxdaas jihaadiga ah sanadkii 2016-kii, waxayna isku dayday inay beddesho wejigeeda.
Laga soo bilaabo 2017, HTS waxay sheegatay inay maamusho qaybo badan oo ka tirsan gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, waxaana ay halkaas ka hirgelisay maamul rayid ah, iyadoo lagu eedeeyay tacaddiyo arxan-darro ah oo ka dhan ah kuwii ku dhiirraday inay ka horyimaadaan.
Bishii Janaayo, kadib markii ay rideen taliskii Assad, mas’uuliyiinta cusub waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dhammaan kooxihii hubaysnaa, iyadoo qaar ka mid ah kooxahaas, oo ay ku jirto HTS, lagu daray hay’ado ay ka mid yihiin ciidanka booliska cusub ee dalka.
Trump wuxuu bishii Maajo qaaday inta badan cunaqabatayntii saarnayd Suuriya, isagoo ka jawaabaya codsiyo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo Turkiga oo ahaa in laga caawiyo sidii dalkaas dagaalladu burburiyeen loogu soo celin lahaa dhaqaalaha adduunka.
Mareykanka ayaa horey u meesha ka saaray lacagtii dulsaarnayd madaxa al-Sharaa kadib markii uu xukunka la wareegay.
– Dib ula falgalka caalamiga ah –
Jimcihii, Suuriya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Mareykanka dib-u-hirgelinta heshiiskii kala-baxa ee 1974-kii ee ay la gashay Israel.
Mareykanka iyo dalalka Yurub ayaa si isdaba joog ah ugu dhaqaaqayay inay dib xiriir ula yeeshaan Suuriya tan iyo markii uu al-Sharaa la wareegay xilka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyadoo Britain ay Sabtidii dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed kadib in ka badan toban sano oo uu go’naa.
Sidoo kale, Britain waxay cunaqabataynta ka qaadday wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga ee Suuriya, iyo sidoo kale kooxo warbaahineed oo kala duwan, hay’ado sirdoon, iyo qaybo ka mid ah dhaqaalaha.
Taliskii Assad waxaa xukunka ka tuuray, kadib dagaal sokeeye oo socday in ka badan 13 sano, kacdoon fallaago ah oo uu hoggaaminayay al-Sharaa.
Kacdoonkaas wuxuu billowday sannadkii 2011 kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday xukunkii arxan-darrada ahaa ee qoyska Assad, kuwaasoo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqii Guga Carabta.
Taageerada caalamiga ah ee sii kordhaysa ayaa imaanaysa xilli hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya ay isku dayayaan inay dib u dhisaan dalka oo ay dib u soo nooleeyaan dhaqaalihiisii meesha ka baxay, kuwaasoo ay labadaba burburiyeen colaadda iyo cunaqabataynaha adag.
Laga soo bilaabo jihaadi la doon-doonayay ilaa uu noqday hoggaamiye ay soo dhoweeyaan madaxda adduunka, madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee al-Sharca wuxuu soo maray isbeddel cajiib ah muddo lix bilood gudahood ah.
Wuxuu hadda hoggaaminayaa dowlad ku jirta muddo kala-guur ah oo shan sano ah, taasoo hoos timaadda dastuur ku-meel-gaar ah oo ay khubarada iyo kooxaha xuquuqda aadanuhu sheegeen inuu awoodda oo dhan gacantiisa geliyay.

