Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u habeyn ballaaran waxa ay ku sameysay guutada 77 ee ilaalada Madaxtooyada qaranka, si ay ula jibaarto shaqada adag ee ay hayso, maadaama ay mas’uuliyiin ka yihiin amniga qaranka.
Ilaalada Madaxtooyada ayaa hadda mar kale dib loo qaabeeyay, iyada oo isbeddallo waa wayn lagu sameeyay qaybaha ciidamada iyo saraakiishooda.
Muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhiga ciidamada oo aad loo diyaariyay, isla markaana wax laga beddalay qaab dhismeedkooda iyo muraalkooda.
Sidoo kale, waxa ay soo bandhigeen dhoolatus cajiib ah, iyaga oo dhex-maraya gudaha xarunta Madaxtooyada oo ay ku shaqeeyaan, maadaama mas’uul ka yihiin amniga guud iyo ilaalinta madaxda, sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay in sare loo qaado aqoonta iyo tayada ciidanka Koofi Gaduud ee ilaalada Madaxtooyada, maadaama ay saaran tahay mas’uuliyad aad u wayn oo muhiim u ah qaranka.
Ciidamadan ayaa horay u helay tababaro gudaha iyo dibadda ah, waxayna u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan wax kasta oo qatar ku ah amniga qaranka
Si guud Madaxtooyada ayaa waxaa ka socda isbedallo waa wayn, iyada oo xittaa wax ka beddal lagu sameeyay qaab dhismeedka, waxaana lagu soo kordhiyay dhismayaal casri ah.
Si kastaba, xaaladda guud ee Muqdisho ayaa eggan, waxaana ka shaqeeyay ciidamada Booliska, kuwa Nabad-sugidda iyo Boolis Milataaro oo la geeyay daafaha caasimada.

