28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Daawo: Ciidanka Jubaland oo fuliyay howlgal culus oo lagu xasuuqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu xasuuqay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay laayeen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay ku weerareen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaalla Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka ay waxa ay ku gaareen ilaa 9 tuulo oo dhaca Jinka Wabiga Jubba, waxayna xaqiijiyeen amniga dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa ay cagta mariyeen marino muhiim u ahaa Al-Shabaab iyo sidoo kale godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa, sida ay shaaciyeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Ma shaacin saraakiishu tirada dhimashada ee maleeshiyada Al-Shabaab, balse waxa ay sheegeen in weli howlgalku socdo, ayna soo bandhigi doonaan khasaaraha guud.

Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Jubbaland ayaa muujinayo ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana isku fidinaya dhammaan tuulooyinka ay maanta la wareegeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka, halkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Jubbooyinka ayaa waxaa alaaba howlgallo wadajir ah ka sameeya ciidanka Jubbaland, kuwa Danab iyo saaxibada caalamiga ah oo beegsada farisiimaha kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News