Rome (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada Rome ayaa kuan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dala Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah qorshaha Mattei ee Talyaaniga.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya wuxuuna horay qalab milatari iyo taageera kaleba u fudiyay dowladda federaalka iyo shacabkeeda.
Waxaa kale jira heshiisyo ay horar u kala saxiixdeen Rome iyo Muqdisho, waxaana kamid ah heshiis iskaashi cusub oo dhidibada u taagay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.
Iskaashigaas cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil.
Waxaa kale oo ay horay labada dal u kala saxiixdeen heshiis iskaash oo ay ku wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah, dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.
“Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo saxiixay.


