Daawo: Ciidanka Somaliland oo dhoola-tus cajiib ah ka sameeyay xuska 18-ka May

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 32-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, shir-guddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne ku-xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblumaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo xuska maalinta 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale, waxay sanadkaan Somaliland kusoo bandhigtay fagaarahaasi cudud ciidan iyo saanad militeri oo Somaliland leedahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee gudaha iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland sida militeriga, kamaandoosta, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasi oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale.

Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa kalmad kooban ka jeediyey munaasibadda, wuxuuna shacabka ku hambalyeeyey xuska maalintaan ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaal-degga ugu jirta maalintaan.

Waxa uu sidoo kale isagna uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan iyo shacabka reer Somaliland, ee xuska maalinta 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa 32 sano kadib oo ku suntan dabaal-degga maanta, ayaa illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.

Hoos ka daawo