Daawo: Cumar C/rashiid oo kashifay qorshe culus oo ay damacsan yihiin madaxda DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaโ€™arke oo ka hadlay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka ayaa ka digay muddo kororsi dambe oo ku lamaansan kan hadda lagu heshiiyey.

โ€œMuddo kororsiga ay hadda madaxdu ku heshiisay wuxuu sii dhali doonaa muddo kororsi kale, madaxdu waxay ka tilaabsadeen dastuurkii dalka,โ€ ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Wuxuu ku dooday in xittaa sanadka ay kororsadeen aysan ku qaban Karin doorasho qof iyo cod ah, โ€œDadkaan qaanuun ay heshiis ku yihiin ma jiro, dastuurkiina waa ka tilaabsadeen,โ€ ayuu yiri.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in heshiiskaan uu xasarad cusub ku abuurayo waxyaabihii muhiimka ahaa ee dowladda laga rabay inay deg deg uga guul keento, sida dagaalka Al-Shabaab.

โ€œIyadoo la galay wajigii labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo 2024-ka ATMIS la rabo in amniga dalka lagala wareego iyo waxa ay madaxdii dalku na hor keeneen, waa isku kaana qaba weysay, waxaan is weydiinay maxaa loo abuurayaa qalalaasahaan cusub,โ€ ayuu yiri Sharmaโ€™arke.

Sidoo kale R/Wasaarihii hore wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta goโ€™aan sidaas u weyn loo gaaray iyadoo Puntland ay ka maqan tahay miiska wadahadalka.

โ€œWax kasta oo Puntland ay ku maqan tahay, wuxuu xil ka saaran yahay madaxweynaha iyo r/wasaaraha, waqtigii aan joogay xafiiska, sidaan oo kale Puntland waxay u diiday nidaamka 4.5, anigaa u tegay laba todobaad Ayaan Garowe fadhiyey, si doorashada dalka loogu heshiiyo,โ€ ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu suโ€™aal geliyey sababta ay Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul wasaaraha ula fariisa laโ€™yihiin Saciid Deni, โ€œDalka iyo dadka inay isku hayaan ayaa laga rabaa Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul wasaaraha,โ€ ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News