Xog: Xasan Sheekh oo ka talo-diiday xunaha ku dhow ka hor heshiiskii doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan sayray talooyin ay siiyeen xubnaha ku dhow kahor heshiiskii golaha wadatashiga qaran ay ka gaareen hanaanka doorashooyinka ee muranka dhaliyey, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskas ayaa isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladnimo ee dalka, ayada oo la qadaanayo nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, meeshana laga saarayo ra’iisul wasaaraha, dalkana la gelinayo doorasho qof iyo cod ah. 

Hase yeeshee, heshiiska ayaa wax durba ka horyimid caqabado ay ka mid yihiin maamulka Puntland oo saameyn ku leh awood qeybsiga dalka oo diiday, iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxweyne iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo ku macneeyey isku dya muddo kororsi. 

Xildhibaano iyo xubno ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha kala hadleen in xilligan aanu isku furin buuq siyaasadeed, maadaama uu xafiiska joogo sanad kaliya, dalkana uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. 

“Madaxweynaha waxaa looga sii jeeday dagaalka Al-Shabaab, mana jirin cid buuq ku haysa, balse hadda wuxuu isku soo furay albaab mucaarado xooggan, annaga waan kala talinay balse tiisa ayuu qaatay,” ayuu yiri xildhibaan ku dhow madaxweynaha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. 

“Waan ognahay in heshiiska aanu dhaqan galeyn. Waan ognahay in heshiis aan loo wada dhameyn oo Puntland aysan qeyb ka aheyn. Xitaa madax goboleedyada hadda taageersan qaarkood ayaa sanad kadib soo jeesan doona. Qodobada qaarna waa kuwo dastuuri ah oo u baahan in dastuurka wax laga beddelo.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska waxaa lagu eedeynayey inuu talo diid noqday, ayada oo xubnaha ku dhow ay hal hays ka dhigteen “albaabka ayuu xirtay.” 

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan la horgeyn doono baarlamanka, oo ayada oo aanu laga ansixin aanu meel mari doonin, mana cadda sida ay xildhibaanada uga falcelin doonaan.