Dagaal dib uga dhex qarxay Tigrayga iyo Amxaarada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dagaal ayaa ka dhacay mid ka mid ah deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Waa rabshaddii ugu horreysay oo dhacda tan iyo markii heshiis nabadeed, ay kala saxiixdeen labada dhinac dabayaaqadii sanadkii 2022, heshiiskaas soo afjaray mid ka mid ah iskahorimaadyadii ugu xumaa ee dhawaanahaan ka dhacay Afrika.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa degmada Raya Alaama oo ay labada gobol kala sheeganayaan. Deegaankan ayaa hoos taga koonfurta gobolka Tigray ka hor inta uusan dagaalku dhicin sanadka 2020 balse waxa uu soo galay gacanta ciidamada Amxaarada.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, iska hor imaadyada ayaa billowday sabtidii, waxayna socdeen maalmo kadibna ciidamada Tigrayga ayaa gudaha u galay magaalooyinka iyo tuulooyinka degmada.

Labada hoggaamiye ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa isla markiiba isweydaarsaday eedeymo ku saabsan cidda hurisay rabshadaha. Hadda, ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku qaboobay.

Maxaa keenay khilaafka?

Sheegashada dhuleed ee aagagga xuduudka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa jirtay muddo tobannaan sano ah.

Dhulka aan ka hadleyno waa aagga galbeedka Tigray, oo loo yaqaan Wolkayit kana tirsan gobolka Axmaarada, iyo Koonfurta Tigray gaarahaan deegaanka Raya oo xadka ku yaalla.

Balse deegaannadaan ayaa gacanta ugu jiray maamulladii Tigray tan iyo horraantii 1990-meeyadii, markii Itoobiya ay hirgelisay qaab-dhismeedka federaalka ku saleysan,iyadoo xilligaas la sameeyay labada gobo lee hadda dirirtu dhexmarayso.

Mas’uuliyiinta Amxaarada ayaa ku andacoonaya in deegaanadaas ay iyagu leeyihiin waxayna eeda dusha uga tuureen kooxda TPLF, oo ah koox siyaasadeed oo ka talinaysay gobolkaas ilaa dabayaaqadii 2010-kii.

Sannadkii 2020-kii, markii uu dagaal ku dhex maray dawladda federaalka iyo ciidamada Tigrayga, ciidamada Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamayey ciidanka federaalka. Ciidamada Amxaarada ayaa la wareegay deegaanadii lagu muransanaa waxayna ka sameysteen dhismayaal maamul.

Ka dib laba sano oo dagaallo lagu hoobtay ay dhaceen, heshiis nabadeed ayaa lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bishii Noofambar 2022-kii.

Inkastoo heshiiskaasi la gaaray haddana arrinta ku saabsan cidda maamulaysa deegaannada lagu muransan yahay ayaa ahayd mid aan xal loo helin.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Amxaarada xad-gudubyo waaweyn oo ay ka mid yihiin in ay si xoog ah u barakiciyeen boqolaal kun oo qawmiyadda Tigrayga ka tirsan gaar ahaan galbeedka Tigray.

Jawaabta dowladda

Maamulka magaalada Addis Ababa ee xarunta federaalka ayaan weli ka hadlin iska horimaadyadan u dambeeyay.

Balse waxa ay dhawaan shaaciyeen in la qorsheynayo in ciidamadu ay sii maamulaan deegaanadaasi inta xal laga gaarayo. Horey waxay u sheegeen in ay soo celin doonaan dadka Tigrayga ah ee barakacay, aftina laga qaadi doono.

Todobaadkan, General Tadesse Werede, oo taliye u ahaa ciidamada Tigrayga, haddana ah ku xigeenka madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, ayaa u sheegay wariyaasha gudaha in maamulkiisu uu gaaray heshiis lagu kala dirayo hay’adaha dawladda ee degaannada lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka ma aysan xaqiijin mana beenin hadalkiisa.

Arbacadii shalay, maamulka gobolka Amxaarada iyo laanta xisbiga talada haya ee gobolka, ee ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa soo saaray bayaan si adag u qoran oo ay ku eedeeyeen ciidamada Tigrayga inay “si buuxda u jebiyeen” heshiiskii nabadeed ee hore loo gaaray isla markaana ay duullaan qaadeen.

Dhiniciisa, madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa ku tilmaamay in rabshadahaan ay ka dambeyaan dad “cadow ku ah nabadda”.

Maxaa xiga?

Isku dhacyada Itoobiya ayaa ah kuwo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonaan.

Sannad iyo bar ka dib markii heshiis nabadeed la gaaray, xaalka dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, wuxuu weli u muuqdaa mid nabaddiisu aaney cago badan ku taagneyn.

In kasta oo ay xasillooni yari ka jirto gobolka Tigray ee dagaalladu naafeeyeen, haddana rabshadaha soo cusboonaaday ayaa loo arkaa kuwo meesha ka saari kara nabadda aan xooganeyn.

Gobolka Amxaarada ayaa maleeshiyaadka deegaanku waxa ay kula dagaalamayeen ciidanka dowladda tan iyo bishii Agoosto, waxaana guud ahaan gobolku uu kujiro xaalad deg deg ah oo intiisa badan internedka ayaa xitaa ka maqan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Tigrayga ay dhiiri galin karaan dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka.

Dagaallada horey uga dhacay gobollada Tigray iyo Amxaarada ayaa waxaa ku dhintay dad badan malaayiinna way ku barakaceen, iyadoo hay’adaha xquuqul insaankuna xaaladda ku tilmaameen mid halis ah oo su’aal gelinrta mustaqbalka dadka rayidka ah.

 Isha: BBC