DF oo markii ugu horreysay yeelaneysa ciidan ka maran…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadkii hoggaamiye kooxeedyada lagala wareegay ayaa gabaabsi kusii ah kamid ahaanshaha ciidanka dowladda Soomaaliya, tani waa farriin togan maadaama ay gacan ku dhiiglayaal u badnaayeen.

Sidoo kale balwadaha maanka dooriya ayaa si weyn dib ugu dhigay waxqabadkii laga filaayay askartii loo tababaray dowladda Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna dhinaca kale dhaxalsiisay inay isla askarta shacabka ku dhibaateeyaan awooddii loo dhiibay, iyaga oo raadinaya lacago ay ku iibsadaan jaad iyo waxyaabo kale oo qofka maskaxdiisa dhinaca taban u jiida.

Intii uu socday qorshihii wejigii hore ee la-dagaalanka argagixisada ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha la ogaado waxaa kamid ahaa in argagixisada ay soo weerarto ciidanka saacadaha ay ogaadan inay jaadka ka kaceen.

Waxaa kale oo jira farriimo hore oo sheegayay in argagixisada laftigeeda ay dhowr jeer ka shaqeysay in askarta kasoo horjeeda jaad loo geeyo, si ay dagaalka iyo difaacaba uga mashquulaan kadibna ay weerar ugu qaadan.

Dhowr weerar oo gaadmo ahaa oo ay argagixisada ku qaaday ciidanka xoogga dalka sanadkii hore ee 2023 waxaa sabab u ahaa ku mashquulida ay askarta ku mashquushay jaadka.

Laakiin markan waxaa jirta farriin weyn oo wax ku ool ah, ciidan uu hadda tababar u socdo oo la rabo inay ka qeyb qaatan la-dagaalanka argagixisada ayaa noqday ciidankii koowaad ee loo qoro dowladda Soomaaliya oo shuruudaha xulista ay ku jirto in uusan askariga laheyn wax balwadaha maanka dooriya kamid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dorraad la hadlay ciidankaas loo carbinayo dagaalka ee ka nadiifka ah balwadaha maanka dooriya waxa uu sheegay in qofkii ciidanka ku dhex jira ee la arko isagoo balwad wada inuu yahay nin u adeegaya argagixisada, wuxuuna madaxweynaha ku baaqay in qofkaas la qabto.

Waxaa kale oo madaxweynaha uu sheegay in askarigii la arko isagoo balwad isticmaalayo inuu iskaga tagi doono ciidankan cusub, maadaama markii hore lagu soo xulay in aysan balwad laheyn.

“Ciidanka waxa jabiya ama dila ayay balwada kamid tahay, nin balwad la wareegaya ciidanka dhexdiisa Shabaab ayuu u adeegaya waa cadow ee qabo. Waa hubaa in idinka la idin soo aadeynin oo waa kuwaasi kuwii balwada maaha ayaa hubaa maalinka howl-gashaan Insha allah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.