Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la ansixiyay kadib tallaabada uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casuumad u direy dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan shir xasaasi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo si weyn isku hayaan Xasan Sheekh, kan Jubbaland, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhici doono inta u dhaxeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.

“Shirkan waxaa looga hadli doonaan arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda casuumadda.

Haddaba, madaxweyne Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la meel-mariyay dhawaan?

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa dhawaan baarlamaanka marsaday wax ka beddelka dastuurka, oo ay si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday ayaa ah afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo ay ku jiraan qodobo xasaasi ah sida; doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada.

Dastuurka la ansixiyay oo uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”.

Warqadda casuumad ee madaxweyne Xasan uu xalay u direy madaxda dowlad-goboleedyada ayaa waxa loogu yeeray “madaxweyneyaaal” halka uu dastuurka dhawaan la meel-mariyay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyeyaal”.

Fallanqeeyayaasha qaar ayaa qaba in tallaabadan ay muujineyso dabac xagga madaxweynaha oo la xiriirta dastuurka la ansixiyay, xilli uu jiro guux dhanka madaxda maamullada oo iyadna la xiriirta qodobbada qaar ee dastuurka.

Halka kuwa kale ay qabaan in dastuurka la meel-mariyay uu dhaqan-gal noqon doono muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh kadib, sidaas darteedna uu madaxweynaha ugu qoray warqadda casuumadda “madaxweynayaal” ragga xukuma maamullada.

Si kastaba, hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa muddo fog u qorneyd inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka dhawaan maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye.

Dastuurka maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna saxiixay madaxweynaha.