Erdogan oo war culus kasoo saaray xiisada Bariga Dhexe

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay masuul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Erdogan ayaa hadalkaan sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada.

“Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurta-gal tahay ilaa iyo inta “arxan-darrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran, kaasi oo aargudasho uu u ahaa weerarkii gantaallo ee Iran ku qaaday Israa’iil.

Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, ayada oo Israa’iil ay dhankeeda sheegtay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, kahor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa horey u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, kadib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawl-galka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya QM ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51-aad ee axdiga QM inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Si kastaba, dhinacyada ayaa loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, oo walaac xooggan laga qabo kadib xiisadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iran.